logo
logo
logo

Monday, May 21st

You are here

Afkeenii Soo kaa Abaaday

Hawraar hore oo Soomaaliyeed ayaa ahayd Nimco waliba Nusqaan leh, luuqada Af-soomaaliga marka dib loo eego waxay ahayd luuqad hodan ku ah dhinaca suugaanta iyo sarbeeb, si xikmadaysan oo ay dadkii hore isku dhaafsan jireen hadalkooda, iyadoo xilliyadaas oo qarniyo ka hor ah aanay jirin, aqoon iyo waliba farsamooyinka casriga ee waqtiyadan dambe wax walba  fududeeya, balse imika oo aqoonta iyo farsamooyinka loo yaqaan afka qalaad (Technology) ay adduun waynaha iyo dalkeenaba ku soo badanayaan, isla markaana adeegsigoodu uu yahay lagama maarmaan, ayaad moodaa inay yihiin qaar dagaal dadban kula jira Afka Soomaaliga, marka laga eegayo dhinaca adeegsiga iyo isticmaalka magacyada agabkoodu ka kooban yahay.

Maxaa sidan kaa yeelay: Sheeko xiiso leh

Isagu yaab oo Haddana yabaal, Baadh-baadh oo bidhaansay, baal walba ka milicsay, Haba sheegin in wax uun ugasoo dhibceen, wuu ka sal  gaadhi waayay  barwaaqada iyo badhaadhaha ninkani ku baashaalayaa halkan ay uga soo burqanayso, Bilo iyo baryo dhan ayuu baadi goobi jiray, kaliya wuxuu u xuraamayaa, u xiimayaa ee u xiiqsanayahay waa inuu ka gun iyo gabagabo gaadho gadda iyo go’a  gobeed ee dul gibilaysan kuna gadaaman saxiibkii halka ay kasoo gaadhayso. Waa inuu ka warkeeno waxa saaxiibkii sidan ku suntay ee ku sifeeyay. Sidu waa sidan hoos sawirkeedu ku qoranyahay.

Nin Quustay baa Quus ah ! -- Sheeko xiiso badan

Sida aad ugu raad joogto baadi doonka ummad tayo leh oo tawsta ay is badday ku beddelanaysa is taageerid iyo is taakulayn, ayaad marar badan ka dul dhacaysaa dad hawshan kaaga aqoon badan, kaaga waayo aragsan, oo talo iyo tilmaan oday faraqa kuugu gunta. Halka aad marar kalena la kulmayso kuwo aan dan iyo heello ka lahayn duruufaha qallafsan ee dadkaagu dhex jibaaxayaan. Dalandoolka nololeed ee da’yartaadu ku jirto iyo dalan baabiga nafsadeed ee dumarkaagu ku sugan yihiin.

Hanka Dumarka iyo hagar-daamooyinka ku hareeraysan

Tan iyo ka soo laabadkii qaxoontiyadii loo dalan doolay iyo dalal kii kala duwanaa isla markaasna kala dhaqamada gadisnaa ee habaq laha lagu galay. Waxaa si weyn isu abaabulay haween waynaha Somaliland ku waas oo samaystay ururro iyo isu tagyo kala haadaaf duwan balse hadana mabaadii isku mida xanbaarsan.

Dahabshiil provides vital service for African community

The story behind international money transfer Dahabshiil truly is one of rags to riches. The company, now one of the largest money transfer businesses in the Horn of Africa, was started by African entrepreneur Mohamed Duale. In the 1970s, he fled Somalia with his family when civil war broke out in 1988 to England. With very limited resources, Duale set about rebuilding his business in his mission to serve African communities.

wuu i furay !: Qiso xiiso badan

Keli socoshadu haddii ay dadka dhibto, in dhawaydba anigu waan dheefsadaa, oo waxa igu da'a roob aan madaxa iyo maryaha qoyn, ee maanka iyo maskaxdaba dooja. Roobkaasi inta uu i hayo waxaan halis u ahay inaan hogag iyo haadaamo ku dhaco aniga oo aan iska war-qabin. Inta badan waxaan ku war helaa biib biibta gaadhi sanka iila saaran, ama ruux i garanaya oo i horjoogsada.

isagiiba maaha ! -- Qoraal xiiso badan

Waxa uu ahaa qof dadnimo fiican leh, damiir iyo dhaqan wacanna Ilaahay ku manaystay. Masjidka kama baxo oo waaba halka qofka rabaa ugu hagaago intuu waqtiga hayo. Runta iyo daacadnimadu waa sifooyinkiisa, saaxiib wanaaga iyo balanta oo uu saacaddeeda ilaaliyaana waa astaanta lugu yaqaano. Waqti uu meer meer  iyo macno la’aan ku  lumiyaa ma jiro, oo waayuhuba uma saamixin.

Wasiirka Ganacsiga oo si rasmiya xadhigga uga jiray dhisme-ganacsi weyn oo ay leedahay Shirkadda Al-Nuur

Hargeysa: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga jamhuuriyadda Somaliland Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray xarun ganacsi (Show Room) oo shirkada Al-NUUR Furniture ay ka dhistey  Caasimadda Hargeysa.isla markaana ay ku soo bandhigtey agabka kala duwan ee ay shirkaddu iibso.

Cilmi-baadhis: Cunida Xabxab-ka Oo Wax Weyn ka Tarta Cudurka Dilaaga Ah Ee Dhiig-karka

Ka hortaggu waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, Waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka, Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka iyo Tufta. sidaas awgeed waxa fiican in qof kastaa wax ka ogaado wax yaalaha laga qoro caafimaad-ka.

Bukaan Jiifka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Khaati Ka Jooga Hoonka Codka Dheer

Gaadiidka kala duwan ee Qaadka kasoo waarida dalka Itoobiya ee usoo qaada magaalooyinka Somaliland iyo gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ayaa khatar weyn ku haya shacbiga marka la eego xawliga xawaaraha sare ee ay ku socdaan, kuwaas oo mararka qaarkood jidka Laamiga ah ee u dhexeeya Kalabaydh ee gobolka Gabiley ilaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiidhaan dad iyo xoolo.

Ururka HAVOYOCO oo qabtay Xaflad lagaga hadlayay tamarta Qoraxda.

Munaasibad lagaga hadlayay laguna soo bandhigay tamarta dib loo cusboonaysiiyo ee Solar Energy ayaa shalay lagu qabtay saylada xoolaha ee magaalada Hargiesa. Waxa munaasibadan soo agaasimay Ha’yadaha HAVOYOCO iyo ADRA isla markaasi waxa mashruucan maal galiyay EU (European Union). Waxa goobtaasi lagu soo bandhigay qalabka solar-ta ee ku shaqeeya tamarta cadceeda waxan dheeraa ciyaaraha Circus Show ee isugu jira qalaama rogodka, jugglinka iyo ciyaaraha fudud oo ay soo diyaarsheen Circus Somaliland HAVOYOCO.

Sucuudiga oo ka Walaacsan Kumanaan Qof Sita Shahaadooyin Jaamacadeed Been-abuur ah iyo Qiimayaasha Lagu Sameeyo

Saraakiisha ugu Sarreeya dawladda Sucuudiga oo ku andacooday in shahaadooyinkan beenta ah ka yimaaddaan jaamacado aan jirin oo ku yaal Maraykanka iyo Hindiya
Dawladda waddanka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa walaac weyn ka muujiyey kumanaan qof oo shahaadooyin been-abuur ah sita, kuwaas oo ku sii badana gudaha dalkaas, waxaanay tilmaameen in dadkaasi goobihii shaqada ka saareen dad iyagu sita shahaadooyin asal ahaan aan sax ahayn.
Dalka Sucuudiga, ayaa lagu qabtay 1,300 qof oo isugu jira muwaaddiniin iyo ajnebi oo sita shahaadooyin been-abuur ah oo ka hawlgalaayey xarumaha boqortooyada iyo meelo kaloo xafiisyada dawladda ah, kuwaas oo mushahar ahaan u qaadan jiray celcelis ahaan SR500 milyan oo lacagta Sucuudiga ah ee Rubiga sida uu daabacay wargeyska dalka Sucuudiga ka soo baxa ee la yidhaa Al-sharq.
Saraakiisha sarsare ee Sucuudiga, ayaa ka digay dadka caadaystay shahaadooyinka foojariga ah ee buux-dhaafiyey Boqortooyada iyo xarumaha kale ee dawladda.
Mr. Muwafeq Al-Rowaili oo ka mid ah Golaha Wadatisha ee Shuurada, ayaa ku boorriyey xukuumadda sare ee Sucuudiga inay tallaabo adag oo ciqaabeed ka qaado dadka sita shahaadooyinka been-abuurka ah xarumaha gaarka loo leeyahay buuxiyey.
Sidoo kale, Cabdullah Al-Qahtani oo ah Agaasimaha Guud ee qaabilsan shahaadooyinka jaamacadaha ee Wasaaradda Tacliinta Sare, ayaa ku baaqay in meesha laga saaro dadka sita shahaadooyinka foojariga ah ee hawlaha ka haya dalka.
Maxkamadaha Sucuudiga, ayaa qaaday inta la ogyahay 2,500 kiis oo la xidhiidha shahaadooyinka been-abuurka ah ee la xidhiidha tacliinta sare, waxaanay 70 kiis oo ka mid ah la xidhiidheen shahaadooyinka foojar ah oo la oo cilmi ah, waxaanay tilmaameen saraakiisha arrintan dabagalka ku sameeyey in shahaadooyinka badankooda lagala yimaad dalka dibadiisa.
Haddaba, qiimaha dalka Sucuudiga lagu sameeyo shahaadooyinka foojariga ah ee Bachelor, Master iyo Doctorate Degree-ga, ayaa u dhaxeeya SR10,000 iyo SR30,000, waxaana la tilmaamay inay shahaadooyinkani u kala qaalisan yihiin siday u kala badbaadis badan yihiin marka Wasaaradda Tacliinta Sare baadhitaanka ku samaynayso.
Haddaba, marka si gaar ahaan loo eego shahaadda Bachelor Degree ayaa qiimaheedu dhan yahay marka foojari ahaan lagu samaynayo SR 30,000, halka Master Degree aad bixinayso samaynteeda SR45,000. Qiimaha shahaadada ugu sarraysay ee Doctorate Degree ayaa ah marka si qarsoon loo samaynaayo inta u dhaxaysa SR60,000 iyo SR90,000.
Ilaha xogogaalka ah ee arrintan ka warramay waxay shaaciyeen in 7,000 sita shahaadooyinka jaamacadeed ee been-abuurka ah ay ka war-heleen xarumaha shahaadooyinka u qaabilsan Waddamada Carabta, waxaanay intaas ku dareen in jaamacaddo been-abuur ah oo lagu qiyaasay 3,600 ilaa 1,400 ay ka jiraan dalalka Hindiya iyo Maraykanka.

Saraakiisha ugu Sarreeya dawladda Sucuudiga oo ku andacooday in shahaadooyinkan beenta ah ka yimaaddaan jaamacado aan jirin oo ku yaal Maraykanka iyo Hindiya.

Dumarka iyo Suugaanta Soomalida

Maxay ku dhacday innaga oo leh dumar suugaanta  yaqaan oo abwaaniin ah kana xigmad badan gabyaaga qaarkood in suugaantoodu sida tan raggu sameeyey aan fagaaraha loo keenin ama aan looga hadlin inta badan?
Haddii aan isku dayo arrintaas – oo aanan arag waxa hore uga faalloonaya – waxa jirta sida aan ognahay marka dhaqankeenna la eego in dumarku ka dambeeyaan ragga dhinac kasta oo nolosha ka mid ah. Waxa jira dumar halabuurka suugaanta sida gabayada iyo heesaha tirin yaqaan oo innagu dhex jira kana abwaansan ragga suugaanta tiriya qaarkood, laakiin aan dheg jalaq loo siin. Sababta oo ah, iyada oo dad badani u haystaan in raggu ka xigmad badan yahay dumarka.
Adduunka kale dumarka halabuurka ah, sida gabayga amma curinta  heesaha waxay ay ku dherersadaan ragga. Innaga iyo carabta qaarkood sida ay haweenku u qarsoonyahiin ayaa suugaantoodana raggu dhegaha ka ilaashadaan si aanay dumarku golaha suugaanta ula wadaagin.
Waxa ay dumarku isu tiriyaan  buraanburka, ayaga oo isuna gabiyi kara, laakiin, waxa ka maagaan in ay faraha la galaan gabayga oo ragga lagu ogyahay. Waxa dhici karta in buraanburka qaarkii  murti iyo maaweeloba  ka qurux bato gabay hufun, laakiin raggu ma tiriniyaan ayaga oo dumarka u dhaafay. Taas oo aan odhan karo in ay la mid tahay caadada xun ee ah haddii neef la qasho in hilibka waaxyaha fiican laga fuudhyeelo ragga, dumarkana  fenashada iyo meelaha neefka laga jaro ee raggu aanu hungurayn la siiyo.
Waxa jira dumar badan oo aan ku aqaan gabay iyo suugaan kana farshaxansan abwaaniin badan, laakiin, dhibta jirtaa waxa weey nasiib darro, dadkeennu ma dhiirri geliyaan dumarka abwaaniinta ah. Markaa waxa jirta in murti qarsooni haween badan madaxooda  ka guuxayso. Waxa jirtey in wiilasha iyo gabdhahu golaha cayaarta isugu heesi jireen sidii Digley ( waxaan ka xumay aniga oo aan hayn magac dhan) iyo qaar badan oo hadda la illaaway magacyadoodii.
Markii heesaha qalabka loo tumay ee la keenay qolka gudahiisa, waxa soo baxday in ragga oo qudhi heesaha allifaan fannaaniintuna qaadaan. Ma garanaysaa gabadh hees samaysay oo la qaado? Dumarku heesaha dambe ee qalabka loo tumay may ka qayb qaadan, ayaga oo heesaha samayn kara, sababta oo ah, fursad lagu dhegeysto murtida dumarka weli lama siin. Fannaan hees kama quudin qof dumar ah, abwaanna in magaca lala sheegto ma ogola. Waxa jirey inta aan xasuusanay Faadumo Xirsi Cabane, Cibaado M. Cadduur (Raalli ahaada haddii aan magaca qalday) iyo Caasha Luul oo manta gabayda iyo qaar aanan hadda magacyadooda hayn. Maxay idinla tahay? Fadalan, dumarka abwaaniinta ah ee aad taqaan noo soo kordhi.Arintanna ka hadla!.
Kayd Maxamed CabdallMaxay ku dhacday innaga oo leh dumar suugaanta  yaqaan oo abwaaniin ah kana xigmad badan gabyaaga qaarkood in suugaantoodu sida tan raggu sameeyey aan fagaaraha loo keenin ama aan looga hadlin inta badan?

Maxay ku dhacday innaga oo leh dumar suugaanta  yaqaan oo abwaaniin ah kana xigmad badan gabyaaga qaarkood in suugaantoodu sida tan raggu sameeyey aan fagaaraha loo keenin ama aan looga hadlin inta badan?

Madaxweyne Siilanyo muxuu ka yidhi waxqabadkiisa dhanka waxbarashada

Madaxweyne Siilaanyo ayaa kaga hadlay waxbarashada khudbad sannadeedkiisa uu ka horjeediyo golaha baarlamanka Somaliland , waxyaalaha uu ka yidhina waxay ahaayeen sidatan:

Guurka la isku doorto maalku waa wadka lamaanaha

Guurka laysku xusho ama laysku doorto lacagta iyo daneysigu wuxu waxyeelo weyn ku hayaa mushtamaca Mareykanka , Marka loo eego daraasad cusub oo lagu daabacay American Journal of Couple and Relationship Therapy khamiistii lasoo dhaafay.

ila Qosol : Kurdi Soomaali

Waxaa Xarunta Booliska ee Norway soo gaaray Afar Nin oo Kurdi ah iyo Mid Soomali ah , si ay Booliska qoxootinimo isugu dhiibaan . Sida caadiga ah qof walba waxaa la waydiiyaa Wadanka uu u dhashay iyo meesha uu ka yimid .

Jacaylka Dhabta Ah Iyo Guusha Lamaanaha

Waxa aan ku soo qaadan doonaa mawduuc ku saabsan qiimaha uu leeyahay jacaylka u dhaxeeya labada qof ee is qaba, inaga oo sharaxayna macnihiisa cadaynaynana sirihiisa iskuna taagayna xaqiiqdiisa eegayna afkaaraha khaldan ee jacaylka intaa ka dibna ka qaadan doona kalgacaylkii Rasuulku (CSW) uu u hayay gurigiisa.

Ciyaartoy GOFINDHA oo gaadhi la guddoonsiyay

Ciyaartoygii goolkii ugu horeeyey dhaliyay intii ciyaaraha Somaliland socdeen ayaa gaadhi crown ah ku guddoomay hotel KAAH ee magaalada Hargeysa kaas oo uu guddoonsiiyay  Xassan Xiis oo ka socday shirkadda Dahabshiil.

Hamblayo Meher: Ibraahim C Sh. Bashiir & Ifraax Maxamed Cabdi

Dhamaan hawlwadeenada shabakada Tacliinta & Arrimaha Bulshada Somaliland waxay hambalyo u dirayaan meherka Ibrahim C/raxman Sh.Bashir & Ifraax Maxamed Cabdi oo xafladda meherkoodu ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, 19/12/2011.

Xaguu Ku Dambeeyey Komishankii Tacliinta Sare?

Waxaan yar jecelaystay inaan ka hadlo ahmiyada jamacadaha u leeyihiin dalka iyo dadka iyo dayaca baahsan ee ardayda Somaliland ka haysta jamacadaha ee xukuumada Somaliland ka warqabto ee waxba laga qaban ilaa iyo hadda.

Hambalyo Meher: C/risaq Maxamed & Hibo Cali

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka qoyska iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Ilhan Maxamuud Jaamac, Xildhibaan Adan Shire iyo dhamaanba dadka hoos ku xusan waxay tahniyad u dirayaan meherka  C/risaaq Maxamed Axmed Gurxan iyo  Hibo Cali Ibrahim oo maanta oo isniin ah (5/12/2011) meherkoodu ka dhacay hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa,

Dalka China Oo Hirgaliyay Nidaam Lagu Tayaynayo Waxbarashda Ardayda

Dalka China oo ah dalka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee caalamku ayaa waxa dhawaan laga hirgaliyay nidaam kor loogu qaadayo laguna tayaynayo ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo Schoolada dalka China.

Dhalinyaro lakala diray

Waa barbaar si wacan u kortay. Waana buugleey, qalinku walaaleeyay. Waa ubixii waddankan berri hagi lahaa. Aqoon durugsan iyo isfahan baa ka dhexeeya. Si kale kuma garatide, waa rag ceeshoow milix ah. Tan iyo intii ay dugsi- Quraanka wada bilaabeen iyo ilaa maanta oo ay ku jiraan sannadkii u danbeeyay ee jaamacadda, waxa ay ahaayeen dhallinyarro isku kacaan ah, jawi nabdoon iyo farxad badanna soo wada qaatay.
Walow ay xaafaddo kala duwan ku kala nool yihiin, haddana dhallintaasi isma hayb taqaano. Haddii awal qabiilku ahaa astaanta dadku isku garto, iyagu  warkaas waxba ugama bilowna.
Waa barbaar fikirka noloshu  walaaleeyay. Had iyo jeerna waxa ay ka doodaan mustaqbalka waddanka iyo sidii ay bulshadooda ugu hiilin lahaayeen. Badiba marka ay makhaayadaha shaaha fadhiyaan waxa ay falaqeeyaan mustaqbalka iyo sida loogu baahan yahay in la helo jiil tayo  wanaagsan oo waddanka u shaqeeya. Maaddaama oo ay bartaan mawduucyo kala duwan, sida, dhaqaalaha, caafimaadka iyo  cilmiga bulshada, waxa ay sawirtaan shaqooyinka ay mustaqbalka ummadda u qaban doonaan iyo mid kastaaba doorka uu ka soo dhalaali doono. Bal ga’roo haddii aad taqaanay maamul qabiil lagu qaybsado, dhallintani taasi way ka gudbeen, waxaanay wax ku qaybsadaan aqoontooda iyo kolba inta ay kartidoodu gaadhsiisan tahay.
Shir- beeleed, shir-beeleed, reerkaa aayihiisa ka tashanaya maanta. Hadaladaasi waa kuwo inta badan dhagaha bulshadeena maanta ku badan. Adduunyaduna hawlo badane, Samakaab iyo Saxardiid waxa ay ka mid ahaayeen dhallintii aynu ka soo sheekaynay. Waxaanay ahaayeen rag noloshu walaalaysay. Hore midkoodna ka kale qabiilkiisa muusan aqoone, maantaa lays bartay. Oo sidee laysku bartay, sow kuwii awalba saaxiibka ahaa?  Waxa lays bartay markii uu Saxardiid ogaaday in saaxiibkii  Samakaab ka mid noqday guddida qaban qaabada shir beeleedka reerkooda. Wixii aan nabad iyo caano ahayba waa la kala qaadaaye, hadduu Samakaab ahaa nin ka faana qabyaaladda, maanta waa uu  ku dhaashtay. Odayaal adeeradiiya iyo waliba rag badan oo uu aqoonyahanno u yaqaanay ayaa cudur aan dawo lahayn ku durray ( Virus ). Ileen waa waxa ay ku shaqaystaane, yarkii laga dhaadhici in uu ogaado inuu reer Galool yahay. Intaa uun casharkii loo dhigay kuma uusan eekayne, loo sheeg inuu maanta laga bilaabo ogaado, in isaga iyo Saxardiid kala reer yihiin oo loolan weyn oo  siyaasadeed  ka dhexeeyo.  Saxardiid way ku adkaatay  inuu liqo kiniinka suntan ah ee bilaa biyaha lagu siiyay (Qabyaalada), waxaanu soo xusuustay tuducyo ka mid ah maansada  qiimaha badan  ee Ergo ee abwaan Gaariye:
Uf qabiilka annaa leh,
Wuxuun baa ku addeegta,
Nin iskii kartidiisa,
Isku taagi karayn,
Una haysta ateero,
Ayaantu dembi gaysto.
Laga hoos galo eedda!
Col kaa badan iyo biyo kaa badaniba way ku hafiyaane, waxaa maansadaa ka xoog roonaatay hal haysta, `` Fiqi tolkii kama janno tago´´, oo  oday u adeer ahi galab ku tuuray. Hadday awal ahaayeen barbaar kaftan aan turxaan lahayn iyo hiil iyo hooba ka dhexeeyay, hadda xaalku sidii hore maaha. La kala leexay. Barasho hor laa bilaabantay. Oo ileen maan aqoonne, hebbel reer Faro-taag buu ahaa? iyo waa yeelkadii, waligoodba annagaa u talin jirnaye. Akhriste gara’oo halkaa talaa cayn wareegtay. Garaad caafimaad qaba ayaa la faro xumeeyay. Mustaqbal iyo ubax soo widhwidhayaa xididada loo siibay. Ilaahay ha u gargaaro’e bulsho is leh baa la kala qoqobay.
Dhallinyaraddii hadda isma raacdo. salaanta ma kala qaado. Goobihii lagu haasaawi jiray laga kala digo rogay. M           d waliba waxa uu la showraa  inaadeerkii. Inkasta oo inta is  ilmaadeersatay ayna isku fikir  iyo ujeedo ahayn, haddana waxa walaaleeyay waa hal ku dhiga ah:  aynu reer hebel iska dhicino. waxa hubaal ah in jiilkaasi u baahan yahay gurmad degdeg ah. Uma baahna in guuto fardooleey ah loo diro, laakiinse waxa uu u baahan yahay jiilkani in ay u soo baxaan inta garashada ehelka u ahi. Taasi waxa ay noqonaysaa, in guud ahaanba bulshadda laga wacyi geliyo cudurka noocan ah iyo wixii kale ee kala kaxaynayaba. Waxba yuu hadalku ila sii durkine, waxaa cashar inoogu filan saddexdan bayd ee aan ka soo kala qaaday saddex maanso oo kala duwan oo uu tiriyay Rabi ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde:
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
.........................................................................
Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma soo baxo’e.
………………………………………………………………………..
Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado’e.
Ilaahay xaqa ha ina waafajiyo.
Qalinkii Muuse Dalmar
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Waa barbaar si wacan u kortay. Waana buugleey, qalinku walaaleeyay. Waa ubixii waddankan berri hagi lahaa. Aqoon durugsan iyo isfahan baa ka dhexeeya.

Jaaliyadda Galbedka London oo Arday shahaadooyin siisay

Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin iyo abaalmarin lagu guddoonsiinayay ardayda dugsiyada ee natiijada fiican ka keentay imitixaannadii sannadkan ee GSCE iyo A-level-ka, ayaa habeennimadii Isniintii lagu qabtay galbeedka magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Farqiga u dhexeeya guurka Shalay iyo Maanta

Shalay iyo maanta waa laba maalmood oo isku dhaw, balse faraqa u dhexeeyaa ayaa kala fogayn kara ama isku dhawayn kara iyo waayaha kala duwan ee mid kastaa xambaarsan yahay.

Tiirarka Iyo Tusaalooyinka Lagu Garto Haweenayda Raaliyada ah

Si loo helo marwo wanaagsan oo ku sifowda raaliyo haween waxa haboon in laga helo qodobadan hoos ku qoran oo ah astaamaha lagu garto haweenayda xilkaska ah ee ninkeeda awlaadeeda iyo gurigeedaba ku filan.

Burco:Dayactir lagu sameeyey garoonka lagu qabanayo Ciyaaraha

Garoonka Wayn ee Kubada cagta ee magaalada Burco oo ka mid ah  Garoomada Burco ee loogu tala galay in lagu qabto tartanka ciyaraha Gobolada Somaliland ee 1/12/2011 ka dhacaya magaalada Burco ayaa shalay xaflad lagu qabtay Garoonka waxa xadhiga lagaga jaray Garoonka oo dayac tir lagu sameeyey

Xiisaha isku aadka ciyaaraha gobolada Somaliland..Ka dhiibo ra'yigaga

Liiska isku aadka koobka kubadda cagta iyo kan kolayga ee gobolada Somaliland ayaa la soo saaray. Koobka kubadaha Cagta iyo kolayga oo ka dhici doona gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco, 1-da bisha December

Shirkadda Dahabshiil oo ka Qayb-gashay Shir Caalami oo lagaga Hadlay Waxtarka Qurbe-Joogta Dunida

Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb-gashay shir Caalami ah oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isla markaasna lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda.

Guurka La Fududeeyey Ma Guulbaa Mise Waa Guul Darro?

Waxay ahayd 18-kii bishan November, markii Guddida Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland ay soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu xakamaynayo qarashaadka faraha badan ee ku baxa hawlaha kala duwan ee guurka iyo dhalinyarada is-guursanaysa.

Wacdarihii Xafladii Maalinta Suugaanta Soomaalida Iyo Stockholm‏

Maalintii sabtida ahayd oo ku beegnayd 19 November 2011, waxa uu Naadiga Akhristayaasha Stockholm ku qabtay magaalada Stockholm ee waddanka Sweden munaasibad aad u balaadhan oo loogu magac daray "maalinta suugaanta soomaalida ee Stockholm.

Aftida IRI maxay ka tidhi wasiirka waxbarashada Somaliland

Afti-Qaadis ay samaysay hay’adda International Republican Institute (IRI) ayaa daboolka ka qaadday horumarka Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan intii ay xilka haysay ay gaadhsiisay waxbarashada dalka

Jimciyadda Guur Kalkaal oo baaq kasoo saartay go'aanka Fududaynta Guurka

Baaq taageero ah oo naga soo gaadhay ururka guur kalkaal ee magaalda Hargeysa kuna aadan go'aanka culimada wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland ay kaga hadleen fududaynta guurka ayaa ururkani ka codsanayaa dhamaanba dhinacyada ay khusayso inay hirgeliyaan go'aankaas culimada

Xiisaha Doodda dhimista Kharashka guurka & Dhalinyarada Hargeysa

Dhalinyarada magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta illaa shalay isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo ay ka bixinayaan arrin la sheegay in guurka lagu fududeeynayo kaas oo qaar ka mid ah culimada Somaliland dadweynaha u mariyeen warbaahintan.

Fursad ku socota Hablaha aan dhaqaale haysan ee waxbarasho doonka ah

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu taageerayo hablaha aan awoodda u helin inay waxbarasho helaan sababo la xidhiidha dhaqaalahooda awgeed.

Hambalyo Meher : Abdiwahab iyo Hibo

Dhamaan Reer Khayre Abdilahi

Dhamaan Reer Yuusuf Abdilahi (Ciir)

Dhamaan Reer Abdi Faarah Sareeye

Xafladda Qalin-jabinta ardayda Jaamacada UTHM Malaysia

Xalafad si aad uqux badan   loo soo agaasimay Oo loo sameeyay ardaygii ugu Horeeyay ee Reer Somaliland ah ee Dhamaysta Jaamacadan ayaa ka dhacaday  jamacada (UTHM)  oo kutaala gobalka Johor ee Magalada Batupahat ee Koonfurta dalka Malaysia. (Daawo sawirada)

Dalxiiska Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera

Xeebta batalaale ee magaalada Berbere ayaa waqtigan cammiran iyada oo ay halkaas dalxiis ku qadanayan boqolaal dadweyne ah oo u badan haween iyo dhalinyaro iyo weliba caruur. (Daawo sawirada)

Mabaadi'da Nolosha & Waddaninimada

Wadani-nimadu wa kalmad macno balaadhanku fadhida …. Wadan wa dhul kamida dhul waynahaas ilahay umadisa u abuurey si ay ugu noladaan waa dhulka aynu kunoolnahay ee xudunteenu ku asantahay

Sariir loogu talo galay dadka caajiska badan

Inkasta oo muuqaalka sariirtani yahay mid ku cusub dhagaha iyo indhaaha dadka caalamka ku dhaqan hadana waxa ay u gaar tahay dadka caajiska badan ee xiliyada shaqada ay ku jiraan ku dul lulooda miisaska ay ku shaqeynayaan.

Hiigsiga Dhalinta iyo Damcooda Kala Duwan‏

Dhamaan dhalinta ku nool wadeenkeena waxaay yihiin dad aad u dadaala o waqtigooda aad uga faa’iidaaysta nolasha guud ahaan , dardar faro badan galiya inaay noqdaan hogaamiyaal mustaqbal qarkalena aay u arkayaan inaay yihiin kuwo maanta kalsooni faro badan u leh inaay xilka la wareegaan

SONYO oo warsaxaafadeed kasoo saartay ururada cusub ee dalka

Dallada SONYO ayaa shalayto soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddaynayso mawqifkeeda ku aadan ururada cusub ee dalka lagaga dhawaaqo iyo ka mid noqoshadooda. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada tacliinta somaliland waxa uu u dhignaa sidatan:

Berbera & Maalmaha Ciidda

Waxa sanad kasta Magaalo xeebeeda  BERBERA aad ugu soo qulqula labada bunaasibadood ee Ciida awgeed dadka reer Somaliland ee degan Gobolada kale oo iyaga aad u xiisaynaya waxyaaba ay gaarka latahay maalada BERBERA

Tolow shidaalku miyuu innaga dhamaanayaa?

Sida aynu taariikhda ku hayno, dadka ka dayriya waarida shiidaalku waxay sii korodhaan markasta oo ay dhacdo shiidal yaraani. Qarnigii la soo dhaafay, waxaa jiray ugu yaraan saddex dhacdo oo waaweyn oo saliid caydhin caalamka ku yaaratay.

Ubad la dhalay oo aan la dhiqin

Waa qormo ka hadlaysa dhibaatada haysata caruurta darbijiifka ah iyo kuwa xabagta iyo balwadaha gacalka u noqday

“Ubadka ciidey

Dhar fiican qaatay

Agtaada jooga

Ciid Wanaagsan

CIID WANAAGSAN....HAPPY EID...Dhamaanba hawlwadeennada iyo farsamo yaqaannada mareegta somalilandedu waxanu hambalyo u dirayna shacbi weynaha Muslinka gaar ahaanna shacbiga Somaliland dal iyo debedba, waxannuna leenahay Alle haydinka aqbalo acmaasha wanaagsan sannadkan kiisa kalena haynagu gaadhsiiyo camal suuban iyo caafimaad qab iyo nabad gelyo...Aaamin

Hal-doorka Waxbarashada: Maxamuud, Yuusuf, Saleebaan iyo Mahad (1)

Qormooyinkan uu magacoodu yahay hal-door waa maqaallo aan ku lafa-gurayo sooyaal-taariikheedka mudanayaal iyo marwooyin badan oo reer Somaliland ah, kana mid ah samatarayaasha ka shaqeeya wanaagga ummadda,

Somaliland says has huge, unexplored oil potential

The break-away African nation of Somaliland has huge hydrocarbon potential but is virtually unexplored, an African oil conference heard on Tuesday.

Page 1 of 8

  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  5 
  •  6 
  •  7 
  •  8 
  •  Next 
  •  End 
  • »